Abiy Axmed oo ku adkaystay damaciisa badeed ee ku aaddan xeebaha Soomaaliya.

Tuesday October 06, 2026 - 15:02:10
MeMO Staff
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa mar kale ku adkaystay in dowladdiisu ay sii wadi doonto baadi-goobka ay ugu jirto marin-badeed ay ka hesho dalalka jaarka, isagoo arrintaas ku tilmaamay qayb ka mida ilbaxnimada cusub ee dalkiisu hiigsanaayo.
Abiy ayaa hadalkan jeediyay Isniintii shalay, xilli loo dhaariyay inuu xilka ra’iisul wasaaraha sii hayo muddo shan sano oo kale. Waxaanu qeexay qaabka ay Itoobiya ku xaqiijin doonto damaceeda badeed, oo uu ku sifeeyey mabda’a is-weydaarsiga danaha.

"Maadaama aan ilbaxnimada Itoobiya la gaari karin iyadoo aanay helin marin badeed, waxaan si adag uga shaqayn doonnaa mabda’a is-weydaarsiga (give-and-take), si Itoobiya ay u hesho deked ay ka soo gasho badda ugana baxdo.” Ayuu yiri Abiy Axmed.

Marka Abiy uu leeyahay Itoobiya waxay marinka ku raadin doontaa mabda’a wax-is-weydaarsiga, ayay falanqeeyayaashu ku sifeeyeen inay ka dhigan tahin in Itoobiya ay diyaar u tahay inay ogolaato fulinta dano dhinac kale muhiim u ah iyadoo ku bedelanaysa marin-badeed.

Waxaa xusid mudan in heshiiskii ay kala saxiixdeen Abiy iyo madaxii hore ee Somaliland Muuse Biixi, uu ku dhisnaa isla mabda’an, iyadoo Itoobiya ay rabtay helista marin iyo saldhig badeed, halka Hargeysa ay sheegtay in beddelkeeda ay Itoobiya si rasmi ah u aqoonsan doonto Somaliland.

Horjoogaha haatan ee maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland daba-dhilif Cirro oo si weyn ugu riyaaqsan hadalka shalay kasoo yeeray R/Wasaaraha Itoobiya, ayaa yiri "Somaliland iyo Itoobiya waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah...waxaan rajeynayaa inaan la shaqeeyo Ra'iisul Wasaare Abiy"

Maalmo ka hor ayay ahayd markii R/Wasaaraha Itoobiya iyo madaxa kooxda Villa Soomaaliya ay ku kulmeen Addis Ababa, kadib-na waraysi uu bixiyey Gurguurte uu si cad ugu sheegay in isaga iyo xukuumaddiisuba ay oggol yihiin marin-badeed ay Itoobiya ka hesho xeebaha Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences